Dhageyso:Safaarada Soomaaliya ee dalka Yaman oo sheegtay in Qaxootiga Soomaaliyeed dalka dib loogu celinayo

0
260

Sanca(INO) Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yaman ayaa ka hadlay dhibaatooyin iyo beegsi lagu hayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yaman,wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe Qaxootiga looga soo daad guraynayo dalka Yaman.

Cismaan Axmed Maxamed Qunsulka Soomaaliya ee wadanka Yaman ayaa sheegaya in wasaaradda arimaha dibadda dowladda Soomaaliya ay ku hawlan tahay sidii dadkaa dib loogu soo celin lahaa,Qunslka ayaa hoosta ka xariiqay in sidoo kale wasaaradda arimaha gudaha ay ka shaqaynayso sidii dadka Soomaaliyeed marka lageeyo gudaha dalka Soomaaliya sidii ay u heli lahaayeen daryeelka ay  baahan yihii.

Qunsulka Soomaaliya ee magaaada Sanca ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Yaman in la beegsado xiliyada qaar,wuxuuna farta ku fiiqay in Soomaalid lagu qaldo Suudaanta oo uu sheegay iney midab ahaan isku egyihiin.

Cismaan Axmed Maxamed ayaa sheegaya in dad Soomaali ah lagu xiray magaalooyin ay ka mid tahay caasimadda Yaman,wuxuuna xusay iney dadaal ugu jiraan siidaynta Soomaalida xiran,Safaarada Soomaaliya ee dalkaas ayuu sheegay iney xil weyn iska saartay wax u qabashada Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yaman.

Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqanka dalka Yaman ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi xoogga kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday iney taageereyso dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta Shiicada ee qabsaday caasimadda Yaman.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here