Kismaayo(INO)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ku baaqay in la dhameeyo Khilaf walba oo soo kala dhex gala Dowladda Federaalka iyo maamul Goboledyada dalka ka jira.
Ra’iisul Wasaare Sharmaake ayaa Tilmaamay in Geed dheer iyo Geed gaaban intaba ay Xukumaddiisa u fariisan doonto dhameynta Khilaafka Dowladda iyo Maamulada soo kala dhex gala.
Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda waxaa uu ka sheegay Magaalada Kismaayo oo Heshiis ay ku kala Saxiixdeen Xukumadda Soomaaliya iyo Maamulka Jubba.
Idale News Online, Kismaayo