Baydhabo(INO)–Barakacyaasha, kasoo barakacay Gobolka Bay, ee ku nool xeryaha degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa ka welwelsan inay ku guryo waayeen roobka guga ee deegaanka ka curtay. Roobka oo dabeylo xoogan wata ayaa deegaanka ka da’ay toddobaadkii hore iyo sidoo kale 24 sacadooda ee la soo dhaafey.
Cali Isaaq Aaden oo ka mid ah Guddiga Dadka Soo Barakacay wuxuu sheegay in roobku dumiyay tiro guryo ah oo ku yaalay xeryaha duleedka magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo waxaa ku yaal ilaa 20 xero oo ay ku nool yihiin dad dhan sideed kun oo qof oo kasoo barakacay gobolada Bay, Bakool, iyo qiibo ka mid ah gobolka Jubbada dhexe. Dadkaa waxay kasoo qaxeen abaaro iyo dagaalo deegaanadooda kusoo noqnoqday.
Dadka soo barakacay ayaa badi ku nool guryo cooshado ka sameysan oo aan iska xajin karin dabeysha iyo roobka xoogan.
Cali Isaaq Aaden wuxuu ka digay in nolosha Sideed kun ee qof ee ku nool xeryaha duleedka Baydhabo ku yaal ay halis geli karto haddii roobka dabeylaha wata uu sii socda.
” Waxaan codsaneynaa in nala siyey Bacooyinka Roobka la isaga celiyo waxaan nahay dad dan yar ah, xaley, waxaan u hooyaney Hareeri kaadiyow, hay’daha samafalka waxaan weydiisaneyaa in wax noo qabtaan guryaheena way dumeen” ayey yirahdeen.
Ugu dambeyntii Wasaarada Gargaarka Iyo Dib u dajinta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ,maamulka Gobolka Bay ee DF Soomaaliya, Kan Degmada Baydhabo iyo hay’daha ayaa laga sugeyaa in arintan ay ka hadlaan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online/ Arimaha Bini’adanimada, Baydhabo