Muqdisho(INO)-Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa manta oo Sabti ah lagu wadaa inuu hortago Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Ra’isal Wasaaraha ayaa lagu wadaa in uu Baarlamaanka horgeeyo Heshiiskii Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Dalka eek u aadanaa hanaanka doorashada Dalka.
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa iney aragtidooda ka dhiibtaan Barnaamijka uu Ra’isal wasaaraha horkeynayo manta.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka ka sheegay in Xildhibaanada ay usoo diyaar garoobaan iney talooyin ku daraan Barnaamijka doorashooyinka ee Xukuumada.
Idale News Online, Muqdisho