Dhageyso:Qoysaska Askartii Kenya looga dilay deegaanka Ceel-cadde oo lacag magdhow ah la siinayo

0
177

Nairobi(INO)- Maamulka magaalada Bungoma ayaa sheegay inuu siin doono Qoyska kasta oo askartooda ay ku dhinteen weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen saldhiga deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Maamulka ayaa sheegay in 100,000 oo Sh. lacagta Kenya ay siin doonaan qoys kastaa oo wiilkooda ku dhintay weerarkii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Kenneth Lusaka gudoomiyaha deegaanka Bungoma oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhaqaalahaasi ay bixinayaan maamulkooda, wuxuuna balanqaadkooda sameeyay kadib markii uu ka qeyb galay aaska askari kenyan ah oo Ceel-cadde lagu dilay.

Paul Wamukota oo 24 sano jir ahaa ayaa ka mid noqday askartii Kenya ee lagu dilay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo waxaana lagu aaday meel duleedka ka ah deegaanka Bungoma.

Alshabaab ayaa ku dilay deegaanka Ceel-cadde ku dhawaad 100 askari oo kenyan ah kuwaasi oo qeyb ka ahaa howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa isaga baxay saldhigyo kale oo ay ku lahaayeen deegaanada gobolka Gedo waxii ka dambeeyay weerarkii 15 Janaayo ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here