Dhageyso:Qaabka ay u socoto Diiwaan gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha

0
190

Muqdisho(INO)- Magaalada Muqdisho waxaa ka socota Isdiiwaan gelinta Musharaxiinta u tartameysa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, maadaama ay soo dhowdahay waqtiga ay dhaceyso Doorashada.

Musharaxiinta ilaa iyo hada isdiiwaan gelisay ayaa waxa ay gaarayaan 4 Musharax, waxaana ay kala yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, C/qaadir Cosoble iyo Maxamed Maxamuud Cosoble.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in isdiwaan gelinta Musharaxiinta ay u socoto si wanaagsan, islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin in lagu soo gaba gabeeyo waqtigii loogu tala galay.

Isdiiwaan gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku eg Axada soo socota oo Taariikhda ay ku beegan tahay 29-ka Bishan, sida ay horey u sheegeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha.

Gudoomiyaha Guddiga Dooorashada Madaxweynaha C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay u socoto Doorashada iyo qorshooyinka Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay ka rabaan Musharaxiinta.