Garowe(INO)-Maamulka Puntland ayaa shuruud ku xiray hay’adaha samafalka ee ka diiwaangashan deegaannada aanan hoos-imaan maamulkaas.
Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa wuxuu sheegay in ay ka war heleen in hay’ado ka diiwaan-gashan koofurta Gaalkacyo ay ka howlgalaan dhinaca uu maamulo maamulka Puntland, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid aan suurtagal ahayn.
” Runtii waxyaabo aanan fileyn ayaa igaga soo baxay markii aan la xiriiray Hay’adaha Samafalka. OCHA oo kale waxaa laga xukumaa Koofurta Gaalkacyo, mana aanan fileynin, Gaalkacyo waa Puntland, waxaana maamusha Puntland. Haddey OCHA tahay iyo haddii ay hay’ado kale yihiinba, kuwii aanan rabin in ay halkaan yimaado oo ka shaqeeya iyagoo Puntland sheeganaya waa iska bixi doonaan”ayuu yiri C/xakiin Xaaji Cumar Cameey.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa u sheegay hay’adaha doonaya in ay ka howl-galaan Puntland ay is-diiwaangeliyaan, wuxuuna caddeeyay in aysan aqbli doonin in ay Puntland ka shaqeyso hay’ado aanan ka imaanan Magaalooyinka waa weyn ee Puntland.
Dhanka kalena, Madaxweyne Kuxigeenka ayaa u dhoofay Magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu uga qeybgeli doono caleemo-saarka guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo berri ka dhici doonta magaaladaas.
Halkan Ka Dhageyso Radio Idale
Idale News Online, Garowe