Dhageyso:Puntland Oo Sheegtay in Dagaalkii Galkacyo Laga soo Abaabulay Cadaado

0
198

Galkacyo(INO))Taliyaha Ciidanka birmadka gobolka Mudug Cabdirshiid Xasan Xaashi (Gibi-Gibi) oo warkooban siiyay saxaafada ayaa ka hadlay Xaalada Magaalada iyo Dagaalkii saaka cida ka dambeysay.

Taliyuhu wuxuu si cad u sheegey in Dagaalka lagasoo abaabuley Cadaado loogana gol leeyahay in la hor istaago Horumarka iyo ammaanka, Magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug,

Taliyaha ayaa dhinaca kale sheegey in ay saaka ku guuleysteen iney ka hortagaan Weerarkaas oo ahaa mid qorsheysan oo hub culus la doonayay in loo adeegsado shacabka.

Wuxuu Guul Ka sheegtay in si buuxda ay ula wareegeen dhamaan goobihii lagu dagaalamay kuwaas oo hadda uu sheegay iney heystaan Ciidamadda Amaanka ee Puntland,

Idale News Online, Galkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here