Garowe(INO)-Maamulka gobolka Nugaal ayaa ka jawaab celiyay rasaas xoog-leh oo laga maqlay magaalada caasimada ah ee Garoowe,taaso shaki galisay ammaanka xarunta gobolka Nugaal.
Ciidamo ka tirsan kuwo Puntland ayaa la sheegay inay ridayaan rasaastan,taaso ka careysiisay maamulka gobolka Nugaal,sida uu sheegay Cabdullaahi Ciise Axmed oo ah guddoomiyaha gobolka Nugaal.
“Rasaastu waxay ahayd kuwo ay si qaldan u rideen ciidanka dowladda, mana aha taas wax sax ah,waayo magaalada cid ku dagaalameysay ma jirto,”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal.
Cabdullaahi Ciise waxuu ka hadlay ciidamo la sheegay inay weerar ku qaadeen guri uu Garoowe ku leeyahay taliye ku-xigeenkii ciidanka Booliska Puntland oo xilligan gadood ah.
Ciidamo ka tirsan kuwo ammaanka ayaa gadood sameeyay,kaaso ka dhashay amar uu madaxweynaha la sheegay inuu ku bixiyay in la soo xiro taliye ku-xigeen booliska Puntland.
Jen.Muxiyadiin Axmed Muuse oo ay waheliyaan qar ka mid ah ciidanka Puntland iyo gadiid ciidan ayaa maalmihii dambe baxday ahaa,waxaana wali daba jooga ciidamo ka tirsan kuwo ammaanka.
Waxaa la sheegay xilligan inuu ku sugan-yahay dhulka ku dhow degmada Eyl oo ka tirsan gobolka Nugaal,waxuuna ka tagay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Garowe