Garowe(INO)- Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sheegay in Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo sidoo kale gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ee ku sugan Magaalada Muqdisho arinta ay u joogaan Muqdisho in aysan aheyn mid looga hadlay sidii loo baahnaa.
Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si wanaagsan looga wadahadlo khilaafka ka taagan xildhibaanada cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya gobolada Sool iyo Sanaag.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay haboon tahay hadii kuraasta ay leyihiin beelaha dir waqooyi in lasiiyo laakiin aan la oran waxaa iska leh Somaliland marna Puntland.
Dowladda ayuu sheegay Gaas in looga baahan yahay in ay siiso cid a iskaleh kuraasta Sool iyo Sanaag ee Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa madaxda dowladda Soomaaliya kala hadlaayay xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya gobolada Sool iyo Sanaag oo muran uu ka taagnaa cid iska leh in ay soo doortaan xildhibaanadaasi.