Dhageyso:Odayaasha Dhaqanka KGS oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku Timid Ugaas Cabdraxmaan

0
245

Baydhabo (INO)—Afhayeenka Gollaha Odayaasha Dhaqanka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Malaaq Deerow Yacquub Cali  oo tacsi u direy iyo eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta ku geeriyooday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

deerow

Afhayeen Malaaq Deerow  ayaa ku tilmaamay Ugaas Cabdraxmaan inuu ahaa halyey ka baxay shacabka Soomaaliyeed oo idil intii uu hayay saldanada ugaasnimadana uu wax badan u qabtay shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto Ugaas Cabdraxmaan. Marxuumka waxa uu wax badan dadaal u galay sidii nabad uga dhalan lahayd dalkeena waxaana tusaale u ah in uu geeriyooday isagoo ku dhex jiray nabadayn iyo horumarin.Waxaan Ilaahay uga baryayaa naxariistii inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo,’’ ayuu yiri  Malaaq Deerow.

Afhayeen Malaaq Deerow oo ka hadlayay geerida ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum Ugaas Cabdraxmaan ayuu u rajeeyay guud ahaan ummada Soomaaliyeed in uu Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Ugu dambeyntii, Allaha u naxariistii Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Beledweyn, iyadoo lagu wado in aaskiisa ka qeyb galaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, odayaal dhaqameedyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here