Dhageyso:Ninkii isku qarxiyay Diyaaradda Daallo oo Macalin Dugsi ka ahaa Hargeysa

0
234

Muqdisho(INO)— Ninka la tuhunsan yahay inuu isku qarxiyay Diyaaradda Daallo Airline 2-dii bishan Febraayo ayaa la sheegay inuu Macalin ka ahaa Dugsi Islaami ku yaal magaalada Hargeysa xarunta maamulka la magac baxay Somaliland.

Sida ay qortay Wakaalada Wararka ee AP Abdullahi Abdisalam Borleh ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa ninkii isku dayay inuu diyaarada soo rido, isagoo adeegsanayay Laptop lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa oo si fudud uga gudbay meelaha laga koontaroolo Ammaanka garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Sheekh Mohamed Abdullahi oo Imaam ka ah Masaajid ku yaala Hargeysa oo u dhow halka uu ka yimid Mr Borleh ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AP inay is arkeen bishii Janaayo, isla markaana uu u sheegay inuu Muqdisho aadayo, si uu Baasaboor u soo qaato.

Waxaa uu sheegay inuu ahaa nin kaftan badan oo aanu ku aqoon inuu ahaa nin Xagjir ah, isla markaana u sheegay inuu doonayo in caafimaad u aado Turkiga ama Hindiya, maadaama dhibaato xanuun ka qabay lugtiisa, mararka qaarna uu ku socon jiray bakoorad.

“Wuxuu u safray Muqdisho, si uu Baasaboor u soo qaato, oo uu u aado Turkiga ama Hindiya sababo caafimaad”ayuu yiri Sheekh Maxamed oo khadka taleefanka kula hadlay AP.

Sabtidii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii Diyaaradda Daallo oo ay saarnaayeen 81 ruux oo isugu jiray rakaabka diyaarada iyo shaqaalaha

Sarkaal ka tirsan Waaxda Saadaasha Hawada ayaa la sheegay inuu isku dubariday weerarkaas, isagoo ka soo muuqday kaamirada qarsoon ee garoonka, waxaana ninkan uu ka mid ahaa 20-ruux oo loo xiray qaraxii Diyaaradda Daallo.

Borleh ayaa u muuqday nin caawimaad kala duwan ka helayay dhinacyo kala duwan, marka la eego sida weerarkan looga soo shaqeeyay, isla markaana aalada uu u adeegsaday qaraxa aanu u marin mashiinka wax lagu baaro ee dadka maraan.

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Somaliland oo sheegay in aanu fasax u heysan inuu la hadlo Warbaahinta ayaa sheegay in indhaha ku hayeen dhaq dhaqaaqa Borleh, balse aysan marnaba ka filaneyn inuu ahaa nin qatar ah.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay 50-52 loo dalbay Viso Turkish ah, isagoo laga dhigay inuu ka mid ahaa La Taliyeyaasha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Safaaradda Soomaaliya ee Ankara ayaa beenisay inay ninkan Fiiso u dalabtay, kadib markii la ogaaday in warqad ay u qortay Safaaradda Turkiga ku leeyahay Muqdisho, si ay ugu dalbaan Fiiso Mr Borleh, waxaana ay ku tilmaamtay warqadaas mid been abuur ah.

Baaritaanka ku saabsan Qaraxii diyaaradda Daallo ayaa wali dowladdu si dhameystiran u soo bandhigin, inkastoo loo haayo illaa 20 ruux oo u badan shaqaalaha garoonka, waxaana dowladda weerarkaas ku tilmaamtay inuu ahaa fal argagixiso ah.
Ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Hargeysa ayaa si aad ah loo adkeeyay, wixii ka dambeeyay qaraxii diyaarada, waxaana si adag loo baarayaa dadka ka soo degaya garoonka kana dhoofaya.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here