Dhageyso:Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Dowlada Koonfur Galbeed Oo Maanta Xukun Ku Riday 20 Eedeysane

0
208

Baydhabo(INO)-Maxkamadda darajada koowaad ee Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta xukn ku riday 20 eedeysane oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, iyadoo qaar ka mid ah oo dambi lagu waayay lasii daayay.

Geesey

Halka uu xukunka ka dhacayay ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay,  ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano, iyo Wasiiro ka tirsan Dowlada Koofur galbeed ee Soomaaliya si ay goobjoog  uga noqdaan sida uu xukunka u dhacayo.

Qaar ka mid ah eedeysanayaasha ayaa lagu xukumay Xabsi 10 sano oo xarig ah, qaar kale waa lasii daayay markii dambi lagu waayay, halka kuwa kalana lagu xukumay in loo sameeyo dhaqan celin sida uu ku dhawaaqay Kusimaha Maxkamadda Darajada koowaad ahna Wasiirka Ammniga Cabdifitaax Geeseey.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here