Dhageyso:Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidanka Oo Dib u Dhigtay Xukunka Dad Lagu Tuhmayo Qaraxyadii Baydhabo

0
469

Baydhabo(INO)- Sideed qof oo lagu soo eedeeyay ku lug lahaanshaha labadii qarax ee 28-kii bishii hore ee February ka dhacay Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa Arbacadii la horkeenay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadaynta dadkan oo ka dhacday Magaalada Baydhabo, ayaa ka dambeysay markii Talaadadii ay Xarunta Gobolka Baay gaareen masuuliyiin uu horkacaayay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur (Shuute).

Maxkamadda, ayaa waxaa ka soo muuqday sideed ruux, iyadoo shan ka mid ihi si dhow loogu soo eedeeyay inay lahaayeen abaabulka qaraxydaasi, oo lagu bartilmaameydsaday dad aan waxba galabsan, isla-markaana waqti ku qaadanaayay maqaaxiyado ku yaala Bartamaha Magaalada Baydhabo. Labadan qarax waxaa ku dhimatay in ka badan 30 qof.

Gudoomiyaha Maxkamadda, ayaa Xeer Ilaalinta ka codsaday in Maxkamadda la horkeeno cadeymo dheeraad ah, oo la xiriirta in dadkaasi ay ku lug leeyihiin eedeymaha loo soo jeediyay.

Gudoomiyaha wuxuu ku dhawaaqay in kiiska dadkan ay dib u furi doonaan toddobaadka soo socda, intaasna ay Saraakiisha Xeer Ilaalintu ka dhawrayaan cadeymo ka baxsan, intii ay hadda Maxkamadda horkeenayn.

Xasan Cali Nuur ayaa xaqiijiyay in dadka la soo eedeeyay ay leeyihiin Qareeno difaac, isla-markaana aanay Maxkamaddu qaadin kiisaska, dadka bilaa Qareenada ah.

Ugu dambeyntii,Shuute, ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in qodob dastuuri ah uu qeexaayo in qofkasta oo la Maxkamadeynaayo uu haysto Abukaate ka difaaca eedeymaha loo haysto.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here