Dhageyso:Maxay tahay sababta maamul goboleedyada ay u tagi la’yihiin Caasimadahooda?

0
179

Muqdisho(INOMadaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay sababta keentay in qaar ka mid ah maamul goboleedyada ka jira dalka aysan ku shaqeyn caasimadaha loo asteeyay in ay ku shaqeeyaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay maamulka Hirshabeelle oo uu sheegay in uu yahay maamulka Kaliya ee ku shaqeeya Caasimadii loo idmaday.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in maamul goboleedyada ka jira dalka ay haystaan duruufo kala gedisan oo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Caasimada maamulka Jubbaland ee Bu’aale ay ka gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Magaalada Baraawe oo ah Caasimada Koonfur Galbeedna aysan la heyn adeegyo ku filan maamulka .

Magaalada Dhuusamareebna ay gacanta ku hayaan ururka Ahlusuna oo kasoo horjeeda maamulka Galmudug.