Baydhabo(INO)- Waxaa sii kordhaya tirada dadkii ku geeriyooday qaraxyaddii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo Ee xarunta gobolka Bay.
Tirada dhimashada ayaa iminka ka badan 30, in ka badan 60 kalena way ku dhaawacmeen. Maamulka Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay dad u soo qabqabteen qaraxyadii shalay.
Hadaba Maxaa u suurta gelinaya ururka Al-Shabab inay fuliyaan weeraradan soo noq noqonayay bilhii u dambeeyay?
Agaasimihii hore Ee nabad suggidda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi Ayaa Ka Hadlay Waxa Sabaabay Amni Darida Xiligan Gobolada Soomaaliya Qaar Ka Taagan.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Muqdisho