Dhageyso:Maxaa ka soo baxay Shirkii La dagaalanka Fikirka Argagixisada ee dalka Sacuudiga ka socdey

0
248

Muqdisho(INO)-Culumada Islaamka ayaa iskugu tagay dalka Sacuudi Careebiya, gaar ahaana magaalada Barakeysan ee Maka, halkaas oo ay ku lahaayeen kulan looga hadlayay kooxaha sida foosha xun ubadalaya Diinta Islaamka iyo kuwa sidaas oo kale gafafka ugeysanaya Diinteena Suuban iyo Nabi Muxammed (N.N.K.H), waxaana ka soo baxay qodobo khuseeya labada dhinac.

shbashiir

Soomaaliya oo ay qeybgaleen gudoomiyaha culumada Soomaaliyeed Sh Bashiir Axmed Salaad iyo Raysalwasare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya ahaana Wasiirka Diinta iyo Awqaafka ee Xukuumadi Abdiwali Sh Axmed, waxaana ay halkaasi ka jeediyeen arrimaha ka jira gudaha Soomaaliya.

Kooxaha xambaarsan fikradaha qolaacan ee ka been sheegaya Diinta Islaamka, ayaa loo aqoonsaday kuwa aan waxba raad ah ku laheyn Diinta Islaamka, iyadoo loogu baaqay dawladdaha Islaamku in ay talaabo ka qaadaan.

Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in ay culumadu soo saaren Fatwo ka hadlaysa arrimaha xagjirnimada aan aheyn mida Islaamku ogol yahay.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here