Baydhabo{INO}Helida Bulsho Isku Duuban Lehna Abood Ay Ku Hormarin Karaan Bushada Inteeda Kale Ee Ka Liidata Hormarka waa Mid Dadkeeno ay Ku Yer Tahay
Dadkeeno Oo Aan La Heyn Fikirka Hormarinta Dadka Iyo Deegaanka Ayaa Ah Mid Dib U Dhigtey Magaca Dadkeena Iyo Xaqa Ay Ku leeyihiin dowladaha Kale Ee Caalamka .
Midkeena Naga Mid Ka Ah Oo Sameeya Hormarka dhaqaale ama Siyaasad Ayaa Magaciisa iyo War Xun Ka Sheegiisa Lagu Soo Qaadaa Goobaha Ay Isugu Yimaadaan Fudhu Ku dirirka iyo Halka Ay ku Kulmaan Kuwa Doonaya Dib U Dhaca Uma Soomaaliyeed
100 Qof Oo Bulshadeena Ka Mid Ah Oo Isku Duuban Waxaa Ay ka Abood Badan Tahay Dowlad Jirtay 100 Sano Waxayna Qaban Karaan Wax Aysan Aboodin In Ay Qabtaan Dowlado Isu Tagey
Dowlada Oo aanan Kasban Kalsoonida Shacabka Iyo Shacabka Oo Aan La Shaqeyn Dowlada Ayaa Keentey ku Kala Aragti Duwanaashaha Arimo Badan
Wiilka Ama Gabdha 30jir ka Ah Ee Ku Dhashey Kuna Maanta Nool Soomaaliya Way Ku Adagtahay Fahanka Faaidada Dowladnimada Waayo Wuxuu Mudadaasi uu ku Soo Noolaa Bur-Bur Iyo Dagaalo salka Ku Haya Qabiil
Soomaaliya Oo doonaysa In Ay Dib Mar Kale Cagaheeda Ugu Istaagto Ayaa Madaxda Qaranka Waxaa Ay Mudnaanta Koowaad Siiyeen Siyaasada Gudaha Iyo Tan dibada
Halka Ay Maamulayaan Bulsho U baahan Dib U Heshiisiin Iyo ka Weecinta Wadooyinka Qaldan Ee Ay Ka Mid Tahay Qabiilka Oo Door ka Qaata Dib U Dhaca dadka Iyo Dalka
soomaaliya Ayaa Waxaa Ku Sugan In Ku Dhow 20 Dowladood oo Siyaabo Kala Duwan Dalka Uga Howlgala
Siyaasada Dalkeeno Oo Aan Cago Badan Ku TTaagneen Ayaa Waxaa Lga Hirgaliyey Nidaamka FEDERAALKA OO fikirkiisa Ay La Haayeen Dowlado Kale Oo Xaalada Dalka Warba U Heyn
Siyaasiyiin Iyo Soomaali Badan Ayaana aamin Sanaa In Nidaamkaasi Uu Hada Dalka U Ficneyn Looma Joojin Ee Waxaa La Sii Wadey Dhismaha Maamulka Goboleedyo Ee Waxaa La Qeybiey 18kii Gobol Ee Dalka Oo Qaar ka Mid Ahba Fara Lagu Heyn
Muwaadiniin Badan Ayaana U Arkey madaxweynayaasha Badan ee Dalka uu Yeelanao In Ay Ka Danbeyn Doonto Kala fikir Duwanaasho Badan Oo Dhinaca siyaasada Ah Go.aanka Dalkana Aysan Qaadan Karin Dowlada Dhexe Ee Dalka
Waaan Mida Keentey In Lagu Kala aragti Duwanaado siyaasada Dalka Iyo Doorashooyinka Keenteyna In Maalin Walba magaalo Lagu Kulmo Si La Isku Qanciyo
Dagaaldii Ku saleysnaa qabyaalada Ayaa Isu Bedel Maamul Goboleed Hormarkii Gobolada Ayaa Burba Isu Bedelay dhismo Maamul Goboleed Waa Faqsaneyb Dastuurka dowladana Aqoonsi Ka Heysan .
Keenida Mooshin U Yeerida Masuul shaqo Ku Mashquulsan Taagerida Wax Dowlada Aanan Ogoleyn Ayey Ku Mashquuleen Kuwa La doonayey In Ay Shacabka Matalaan Dhowraana shuruucda dalka U Yaala .
Dhismaha Dowlad Goboleed ma Ahan Mid Qasab Ah ee Waa Mid Ku Timaada Rabitaan Shacab Laakiin Masuuliyiin Daliil Sanaya Qabyaalad Ayaa shacabka Ku Qasba In Ay Maamulka dhistaan Una Balan qaada In Ay Aqoonsandoonaa
maamulka Goboleedyda Dalka Jira Qaarkood Kuwa Madaxda U Ah Waxaa Amnigooda Iyo Taladooda Ay Ku Aamineen Ciidamad Shisheeye ee Dalka Ku Sugan
Madaxda Qaar Ayaa Waxaa Ay ku Hadlaan Hadalo ciidanka Qalabka Sida ee Dalka Niyad Jab Ku Ah Kuwaa Ay Ka Mid Yihiin Dhiiri Galinta Ciidamo Soomaaliya Joogi Doona Waqti Kooban
Madaxweynaha Jibbalan Ahmed Madoobe Oo 28kii Febuary Ee Sanadkaan Hadlay Ayaa Sheegey In Mas Uuliyo Aheyn In La Isku Gadaamo Ciidamo Shisheeye
Wazaaradah Dowla Waxaa Inta Badan Shaqaalo Ah Kuwo Ay Isku Qabiilyihiin Shaqsiga Masulka Ka Ah Wazaaradaasi
Qabyaalada Oo Ah Cudur Ha Lis Ku Ah qaranka Dalka Baabi,in Karana Umad Jirtey Nus Qarni Ayaa Dadkeenu Maalin Walba Ay KU Faanaan
Masuul markiisa Horeba Ay Keeneen Qabiil Way Ku Adak Tahay In Uu Qaran U Shaqeeyo Kuna Dadaalo Daacadnimada Iskana Ilaaliyo Musuqmaasuqa
Ma Jirto Maamul Goboleed Casimadiisa Ka Howlgala Ma Jirto Maamul Goboleed deegaanadiisa Dhamaan Ay Maamulaan Mana Jirto Maamul Goboleed Dadkiisa Ay Kuwada Qanacsanyihiin Sida Uu Sheegayo Madaxweynaha Dalka Hassan Sheekh Maxamuud
W/Q Maxamed Aadan Maxamed Wadani