Dhageyso:Mas’uuliyiin Ka tirsan KGS Oo Gaarey Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool

0
351

Tiyeeglow(INO)-Wefdi Uu Hogaaminaayo Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamanka Koonfur Galbeed Somaliya Maxamed Nuur Macalin Ibraahim Oo Ay Ku Hewliyaan Wasiirka Maaliyada Sheeq Xasan Lagbuur,Taliyaha Ciidamada Booliska Gaarka Ah Koonfur Galbeed Somaliya Maxamed Sheeq Cabdulaahi Ayaa Waxaa Ay Gareen Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool.

Uljeedada Saforkoodana Waxaa Uu Ku Saabsanaa Sidii Loogu Dhimeys tirilahaa Qeybinta Hubkii Harsanaa Ciidamadii Dhawaan Tababarkooda Loogu Soo Xirey Degmadaasi Oo Tirodooda Ay Gaareysay Ilaa Iyo 300 Boqol Oo Ciidan Ah Oo Horey Lasiyey 150 Kadibna Hada Lasiyey Kuwii Harsanaa.

Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow Maxamed Cabdulle Foodcade Ayaa Waxaa Uu Ka hadley Isbedelka Degmadaasi Laga Dereemi Doono Madaama Ciidankii Lasiyey Hubkooda.

Waxaana Uu Sheegey In Dhawaan Ay Isku Furi Donaan Wadooyinka Degmooyinka Xudur Iyo Tiyeeglow Oo Maalmahaani Howlgalo Ay Kawadeen Ciidmada Dowlada Faderaalka Somaliya iyo Ciidamada Booliska Gaarka Ee Koonfur Galbeed Somaliya Oo Hada Inta Badan Gacanta Ay Ku Hayaan Dhamaan Tuulooyinka Degmadaasi.

Dhanka Kale Gudoomiuaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Degmadaasi Ay Kajirto Xaalad Bini Aadinimo Ah Dhanka Waxbarashada Iyo Dhanka Caafimaadka Si Aad Ah Ay Uliitaan Waxaana Uu Sheegey In Dhamaan Masuulintii Gaartey Degmadaasi Kormeer Ay Kusameyeen Xarumahaasi Oo Dhan Waxna Dhawaan Ay Kaqaban Donaan.

Halkan Ka Dhageyso

W/Q: Wariye Siidcali muuse Maxamed {Areeta}