Dhageyso:Mashaariicda Horumarineed Ee Laga Wada Degmada Xudur Oo Si Hab-sami Leh U Socodaan

0
230

Xudur(INO)-Gudoomiyaha Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed ayaa faah Faahin Dheeraad ah ka bixiyey Mashaariic Hormarineeda oo kala duwan oo  ka Socoto Gudaha Magaaladaasi.

xudur

Hay’adaha DDG iyo DRC Oo Kaalmo ka  helayaan  Hay’adda SSF(Somali Stability Fund) ayaa ka wada Magaalada Xudur 15 mashaariic oo lagu horumaraayo degmada Xudur  isla Markanaa waxa Dayactir La sameynayo Cusbitalka Degmada Xudur, Salhiga Booliska, iskuulo , MCH ,Xarunta Degmada Xudur, Garoonka Kubadda Cagta Ee Degmadaasi iyp Kuwo kale.

Gudoomiye Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegey in dhawaan Maamulka Gobolka Bakool uu daah-furey Dhoor mashaariic,  isla markaana waxa uu tilmaamey in Mashaariicadan, wax weyn ka bedeli doonto Bilicda degmada isla markaana waxa uu sheegey in hadda Xudur ay ka soo ka baneyso Dhibaatadii iyo burburkii soo gaarey.

Ugu dambeyntii Degmada Xudur ayaa waxay ka mid  tahay degmooyinka Dalka Soomaaliya ee sida weyn u  aafayey, colaadii  sokeeye ee soomaaliya isla markaana, mudo badan ay ka taagneyd Is bar-baryaac dhibaato  badan, iyadoona Magaaladaasi hadda ay ku jirto Go’adoonmin  isla markaana Xoogaga Al-shabaab ee Soomaaliya  ay xireen wadooyinkii Muhiimka ahaa ee gallay degmadaasi.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xudur, Bakool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here