Baydhabo(INO)- Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino ayaa sheegay in sababta loo kordhiyay tirade xildhibaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya inay tahay cabashada beelaha sidii looga gudbi lahaa.
Wuxuu sheegay Malaaqa in faragalin shisheeye ay ka jirto degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool oo maamullo kale ay qas ka wadaan, kaasoo uu ka carrab dhoway maamulka Jubba ee Axmed Madoobe.
Malaaqa ayaa soo jeediyay in wax walba wada hadal lagu xaliyo oo aysan cabashada laga dhigin mid qolo kasta ay abuurato.
Wariyaha warbaahinta Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa qadka Telefoonka Baydhabo kula hadlay malaaqa oo ugu horreyn weydiiyay baarlamaanka la kordhiyay maxay cabashada beelaha ka badalaysaa.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo