Dhageyso:Madexweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xiritaanka xeryaha qaxootiga dalka Kenya

0
326

Muqdisho{INO}Dowladda Kenya waxay qorsheynaysaa in ay xirto xeryaha qaxootiga oo ay kunool yihiin qaxootiga Soomaaliyeed oo aad u farabadan kuwaasoo muddo ku dhow 25 sano kunoolaa.
Madexweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aanka ay dowladda Kenya ku dooneyso in ay ku xirto xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhibaato ay ka dhalankarto hadii dowladda Kenya qaado go’aanka ay ku dooneysa in ay albaabada isku dhufato xeryaha qaxootiga dalka Kenya oo ay kunool yihiin kumanaan qaxooti Soomaaliyeed ah.
Waxaa uu sheegay madexweynaha Soomaaliya in aysan sax aheyn in dowladda Kenya ay dib usoo celiso qaxootiga Soomaaliya,waxa uuna sheegay in dowladda Kenya looga baahanyahay in ay tixgaliso heshiiskii ay wada gaareen dowladda Soomaaliya,dowladda Kenya iyo sidoo kale hay’ada UNHCR.
Madexweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay dergiga ay dowladda Kenya ay qorsheynayso in ay ka dhisto xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya,waxa uuna sheegay in dowladda kenya aysan habooneyn in ay kala goyso labada dal oo daris ah.
Dowladda Kenya waxay sheegtay in sababaha ay u xireyso xeryaha qaxootiga dalka Kenya ay tahay amni daro kasoo wajahday ururka Shabaab.