Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa warqad codsi ah ugud biyey Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.
Waxaa uu Madaxweynaha Warqadaasi ku codsanayey in uu horyimaado Xilibaanada Baarlamaanka Soomaaliya si uu baarlamaanka Hadal uga horjeediyo.
lama oga wax yaabaha uu doonaayo in uu ka hadlo Madaxweynaha hase ahaatee gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shegay in beri Baarlamaanka Xubniisa ay soo xaadiraan.
Waxaa uu sheegay Mudane jawaari in kulankaasi uusan beri aheyn mid caadi ah islamarkaana Xilibaanada uu hor iman doono Madaxweynaha oo doonaya in uu baarlamaanka hadal u jeediyo.
Halkaan ka dhageyso
Idale News Online, Muqdisho