Muqdisho(INO)-Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaah Soomaaliya, ayaa wuxuu beeniyay in bankiga dhexe ee dalka Soomaaliya lagala baxay lacago badan, iyadoo eedeyntaasi mar hore ay kasoo yeertay Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in waxyaabaha qaarkood oo aan la hubin inay ceeb ku tahay Dowladda Soomaaliya in lagu dhaliilo, isaga oo sheegay in warka marka la helo ay muhiim tahay in la hubiyo si loo ogaado xaqiiqada waxa jira.
Wuxuu sheegay in Bankiga dhexe ee dalka aan laga saari karin lacag aan sharciga waafaqsaneyn, isaga oo si cad u sheegay in xitaa qof darajo waliba leh uusan Bankiga lacago kala soo bixi karin, isaga oo maraya hab aanan sharciga waafaqsaneyn.
“Lacagaa la lunsaday mugii la yiraahdo Xisaabiyaha guud waa ceebeysan yahay Xafiiskiisa, Hanti dowrka guud waa ceebeysan yahay, xukuumadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha wuu ceebeysan yahay,Madaxweynaha dalka wuu ceebeysan yahay, Bankiga dhexe waa ceebeysan yahay, Wasaarada Maaliyada waa ceebeysan tahay, intaas Hay’adood oo Dowliga ah marka mid waliba ay ceeboobdo Dowladda Soomaaliya dhana dabcan wey ceeboobaysaa”Ayuu yiri Madaxweynaha
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho.