Dhageyso:Madaxweyne Xasan oo ka hadlay xaaladiisa caafimaad

0
228

Barlin(INO)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladiisa, caafimaad xilli dalka Jarmalka uu joogo arimo la xiriira dhanka caafimaadkiisa.

xasan sheekh
Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siiyay Idaacada BBC, ayaa wuxuu sheegay in arinta uu u tagay dalka Jarmalka ay tahay arimo la xiriira dhanka caafimaadkiisa, maadaama sida uu sheegay 3-dii sano ee u dambeysay uusan sameynin hubin caafimaad oo caafimaadkiisa ku saabsan.
“Dalka Jarmalka waxaan u imid “Check Up” Hubin caafimaad oo muddooyinkii lasoo dhaafay 3-dii sano ee lasoo dhaafay aanan fursad weyn u helin, ayaan u imid oo dhab ah, iyo dabcan arimo la xiriira Dowladda oo Wasaarada Arimaha dibada iyo qoladaan GIZ iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Jarmalka rag ka tirsan wax badan baan is aragnay oo amuuraha Jarmalka iyo Soomaaliya aan ka hadalnay, waa safar gaaban dhawaana dalka ayaan ku noqon doonaa”Ayuu yiri Madaxweynaha.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Barlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here