Waxa Maanta Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu wadaa in lagu Caleemo saaro Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan lagu doortay Magaalada Beydhabo.
Masuuliyin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wada iney ka qeyb galaan Xaflada Caleemo saarka waxana Shalay Magaalada Beydhabo gaaray Wafuud ka kala socotay Maamulka Puntland iyo Maamulka KMG ee Jubba.
Malaaq Cali C/raxmaan Malaaq Shiine oo ka mid ah Waxgaradka Magaalada Beydhabo ayaa Idaacada Risaala ugu warbixiyay qaabka ay u socoto Xaflada Caleema saarka. waxa uu sheegay in Madax kala duwan ay ka soo qeyb galayaan Xaflada.
Shariif xasan Sheekh Aadan ayaa bartmaha bishii hore ee November loo doortay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.Sidoo kale Shariif xasan Sheekh Aadan ayaa horay usoo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya inta u dhaxeysay sanadkii 2004 ilaa 2007 waxana mar kale Shariif xasan Sheekh Aadan loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka sanadkii 2010-kii
Idale News Online, Baydhabo