Dhageyso:Madaxweynaha KGS Oo Iclaamiyey Dagaal Saf Balaaran Ah Oo Lagu Qaadayo Kooxda Al-shabaab

0
225

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowlada  koofur Galbeed Shariif Xasab Sheekh Aadan ayaa ka hadlay weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed ee soomaaliya xiligaa oo shir kula lahaa Gollaha Wasiirada Dowladda KGS.

Madaxweynaha Dowlada Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Xasan Shiikh ayaa ku tilmaamay weerarkii lagu soo qaaday Madaxtooyada Magaalada Baydhabo mid bahalnimo ah waxaana uu ku sifeeyey alshabaab arxan laawayaal aan ka naxay dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Halkan Ka Dhageyso.

Madaxweynaha Dowlada koorfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh aadan ayaa sheegay in ciidamada dowladda soomaaliya iyo kuwa Amisom ay u diyaar garoobeen weerardii ugu danbeeyey oo Alshabaab looga saarayo meelaha wali gacantooda ku jira.

Mudane Shariif Xasan Sheekkh Aadan ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaway in ay meel uga soo wada jeestay Ururka Alshabaab kana qaybqaataan dagaalada la doonayo in looga xoreeyo meelaha wali gacanta ay ku hayaan ee kamida Gobalada koonfurta dalka.

Madaxweynaha Dowlada Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa sidookale ugu baaqay dhalinyarada soomaaliyeed ee ay qaldeen ururka Al-shabaab in ay isaga baxaan fikirka guracan ee laga dhaadhiciyey islamarkaana ay ka qaybqaataan amaanka iyo hor u marinta dalkooda. Hadalka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ku soo beegmaya xili Maalintii shalay ururka Alshabaab ay weeraro isugu jira ismiidaamin iyo weerar toos ah ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo weerarkaas oo ku dhinteen dad gaaray 6-Ruux.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here