Baydhabo(INO)Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaan manta waxaa lagu soo bandhigay dad lagu ee eedeyay in ay ganacsan jireen waxyaabaha maanka dooriya.
Goobta dadka lagu soo bandhigayey ayaa waxaa joog ahaa dadka Gudiga Ammaanka ee Maamulka koofur Galbeed, waxayna dadkaan lagu soo qabtay Daroogada noocyadeeda kala duwan sida koolada, Xashiishka, Qamriga, iyo kuwa kale.
Dadka manta lagu soo bandhigay Magaalada Baydhabo ayaa isku jiray Rag iyo Dumar waxaana kala ahaayeen 5 wiil iyo 1 qof oo dumar ,kuwaas oo lagu eedeeyey ka ganacsiga maandooriyaasha.
Dadkaan ayaa lagu soo qabtay howlgal ka dhacay magaalada baydhabo gaar ahaan Xafaada Horseed oo ah Xaafada dadka ugu badan ay kunool yihiin baydhabo.
Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Baydho ayaa xukun ku riday dadka lagu eedeeyay ganacsiga darooga waxana midkaste lagu xukumay 3 sano oo xabsi
W/Q Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)