Kismaayo(INO)-Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubba ayaa sheegay in Shirarkii wadatashi Qaran ee ka furmay Magaalada Kismaayo uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan.
Isagoo sii hadlaya Xildhibaan Shire waxuu tilmaamay in kulamo gooni gooni ah ay la haayeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka uu Xalay soo idlaaday islamarkaana la isku afgaran waayay nuuca doorasho ee qabsoomi kara Dalka Talooyinkii ay ka soo jeediyeen, waxuuna sababta ku sheegay in mas’uuliyiinta qaarkood ay ku taliyeen nidaamka 4.5 halka kuwa kalena ay soo jeediyeen qaab Degaan in doorashada soo socota loo qabto.
Dhinaca kale, Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed ayaa waxuu sheegay in wada hadalada Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ay sii soconayaan, dibna ay u kulmi doonaan Mas’uuliyiinta Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada si loo dar dargeliyo Shirka wadatashiga Qaran.
Maalin ka hor ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose waxa ka furmay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee looga arinsanayo nuuca doorasho ee Dalka ka dhini karta Sanaddan 2016-ka.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Kismaayo