Dhageyso:Maamulka G/Sh/Hoose “ Waan Ka Xunahay Duqeymaha Joogtada Ee Laga Geysto Deegaanada Aan Maamulno Ee G/Sh/Hoose Ka Tirsan”

0
307

Marko(INO)- Maamulka gobolka Shabellaha Hoose  ayaa ka soo horjeestay duqeymaha joogtada ah oo ay Dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sidoo kale ka soo horjeestay in la dhibaateeyo deegaanada ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah.

Gudoomiye ku xigeenka amniga ee Maamulka gobolka Shabellaha Hoose Cali Nuur ayaa sheegay in duqeymaha laga geysto deegaanada ay maamulaan aan lagu soo wargelin Maamulkooda.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Marko