Dhageyso:Maamulka degmada Qansaxdheere oo sheegay iney diyaariyeen ciidankii degmadaas go’doonka ka saari lahaa

0
306

Qansaxdheere(INO) Maamulka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa sheegay iney diyaariyeen ciidankii go’doominta ka saari lahaaa degmadaasi oo ku dhawaad 2 sano ku jirta go’doon ay kusoo rogeen AL-shabaab.

ciidanka KGS

Gudoomiyaha maamulka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay Aadan Cabdi ayaa sheegay in maamulka degmada oo kaashanaya maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay u diyaar garoobeen dagaal adag oo ay ku doonayaan iney AL-shabaab kula dagaalamaan si ay dib ugu furaan wadooyinka soo gala degmadaas oo xiligan go’an.

Gudoomiyaha maamulka degmada Qansaxdheere ayaa sheegay in la qalabeeyey ciidan Milateri ah oo loogu talagalay iney dhibaatada Al-shabaab ka dulqaadaan deegaanka oo ay kusoo rogeen go’doomin,wuxuuna ku dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya iney ka gaabisay kaalintii kaga aaddaneed wax u qabashada bulshada go’doonsan ee Qansaxdheere.

Aadan Cabdi ayaa sheegay iney ku rajo weyn yihiin in maalmaha soo socda ay dib u furaan wadooyinka soo gala degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney dagaal adag la gali doonaan Al-shabaab isla markaane ay ka saari doonaan deegaanada ku xeeran degmada Qansaxdheere.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Qansaxdheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here