Dhageyso:Maamulka degmada Maxaas oo sheegay in ay dib dadka deegaanka ugu soo cesheen Xoolo ay Al-shabaab ka dheceen

0
208

Maxaas(INO) Gudoomiyaha maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan  Muumin Maxamed Xasan ayaa sheegay iney ku guuleysteen iney Al-shabaab kasoo dhiciyaan xoolo uu sheegay iney dadka deegaanka xoog uga qaateen .

Gudoomiye Muumin ayaa sheegay in ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Maxaas iney weerar ku qaadeen koox ka tirsan Al-shabaab oo uu sheegay iney maalmihii u danbeeyey dadka reer miyiga ah ku hayeen dhibaatooyin ay ka mid tahay iney ku amreen bixinta xoolo tirada badan oo Sakooyin ay ku sheegeen sida uu tilmaamay.

Wuxuuna xusay gudoomiyuhu iney xoolahaas kaga dabatageen deegaanka Moora Ari ee gobolka Hiiraan halkaasoo uu sheegay iney iskugu geeyeen xoolo tira badan oo si xoog ah ay dadka deegaanka uga kaxaysteen sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale ka hadlay qorshayaal ay ku doonayaan iney Al-shabaaab kaga saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan,wuxuuna intaa raaciyey in rag ka tirsanaa Al-shabaab oo ay gacanta ku dhigeen ay u gudbiyeen degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Maxaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here