Dhageyso:Maamulka Degmada Hudur Oo Sheegey In Ay AdKeyeen Amanka Degmadaasi

0
315

Hudur(INO)-  Maamulka Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Wali Ay Wadaan Howlgaladii Ay Kasocdeen Degaaanada Ay Hoos Tagaan Degmadaasi Iyadoo Howlagkana Ay Iska Kashanayaan Ciidamada Dowlada Faderaanka Somaliya, Ciidamada Booliska Gaarka Ah Ee KGS Iyo Kuwa Midowga Afrika Ee AMISOM.

Gudoomiyaha Degmada Hudur Maxamed Macalin Axmed Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Hada Ciidamado Ay Kujiraan Heegen Beexa Si Ay Uga Hortagaan Werarada Ay Soqadeyaan Urara Ka Al Shabaab Oo Inta Badan Werarada Ay Sii Kordhiso Bisha Ramadaan.

Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Maalmaha Ka Harsan Bisha Ramadaan Ay Sii Laba Jibaari Donaan Howlgalada Hada Ay Ka Socdaan Degaanada Katirsan Degmada Hudur Ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Kahadley Cafimaad Darada Hada Kajirta Degmada Xudur Dhibka Uga Badanna Ay Heysato Hooyooyinka Marka Dhalmada Ay Garaan Ku Adkaata In Ay Heraan Daawooyinka Qatar Badanna Ay U Gasho In Ay U Dhimato.

Guodoomiyaha Ayaa Sheegey In hada Ay Wadaan Dhismo Isbitaal Guud Oo Wax Looga Qaban Doono Dadka Ku Dhibaateysan Degmada Hudur Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Baaq U Jeediyey Dowlada Faderaanka Somaliya, Dowlada Koonfur Galbeed Somaliya Iyo Hay’adahada Caafimaadka Wax In Ay Kaqabtaan Caafimaad Darada Ka Jirta Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool.

Halkan Ka Dhageyso

W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed {Ateera}