Dhageyso:Maamulka Degmada Buurhakaba Oo Ka Hadlay Diyaarad Drones Oo Ku Dhacday Duledka Magaaladaas

0
394

Burhakaba(INO)-Maamulka degmada Buurhakaba ee gobalka Bay ayaa ka hadlay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ah oo shalay ku dhacday duleedka magaaladaas, waxaana ay sheegeen in ay maqleen warka sheegaya dhicitaanka diyaaradan, isla markaasna ay halkaas udireen ciidamada dawladda laakiin lagu guuldareystay in lasoo helo.

drone_down_a_crashed_drone-620x330

Maamulka ayaa shegay in ay diyaaradan ku dhacday meel aan ka fogeyn magaalada Buurhakaba kana xigta dhanka beeraha, isla markaasna aysan waxba khasaare ah geysan, sida ay uxaqiijiyeen dadka deegaanka.

Gudoomiyaha degmadan ayaa sheegay in aysan garan karin cida leh diyaradan soo dhacday, balse wuxuu xaqiijiyey in aysan aheyn mid cid saarneyd oo ay hubaan oo kaliya in ay ahayd nooca aan duuliyaha laheyn.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay marar badan dhacaan diyaaradahan, isla markaasna ay waqti badan ku jiraan hawada Soomaaliya, gaar ahaana mida degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Burhakaba, Bay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here