Buurhakaba(INO)- Maamulka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal iyaga iyo rag ka tirsan Al-Shabaab ku dhex maray deegaano hoostaga degmadaas dagaalkaas oo ahaa mid ka dhacay tuulooyin badan oo hoostaga degmadaasi Buurhakaba.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada degmada Buurhakaba Xuseen Maxamed Cali Maan kaaloow ayaa sheegay in dagaalku uu aha mid inta badan ka dhacay dhowr tuulo oo hoostagta degmada Buurhakaba waxa uuna faah faahin ka bixinayaa qasaaraha ka dhashay dagalkaas iyo qorshaha ay wajaheen.
“Tiro ayaan ka dilnay dagaalka ay nagu soo qaadeen dagaalku wuxuu ka dhacay sadax tuulo oo ka mid ah degmadeena hadana waxaan wadnaa qorshooyin cusub oo aan uga saareyno tuulooyinka dhiman warkeyga been maahan adiga wad arki artaa waxa meesha yaalo ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka degmada Buurhakaba.
marka laga soo tago dagaalkaas Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda Ku dhex maray degmada Buurhakaba tuulooyin hoostaga ayaa hadana waxaa jira in wax leeska weeydiiyo waa sidee amaanka degmadaas.
Halkan Ka Dhageyso
Ugu dambeyntii, Marka laga soo tago guulaha uu sheegaanaayo maamulka degmada Buur hakaba ee gobolka Baay ee ku aadan in ay guul ka gaareen dagaal iyaga iyo Al-shabaab ku hdex maray tuulooyin kamid ah degmada Buurhakaba majiraan warar maax banaan oo arintaas xaqiijinaya.
Idale News Online, Buurhakaba