Dhageyso:Maamulka Degmada Buurhakaba Oo Ka warbixiyey Isku Hor Imaad Kadhacay Duleedka Degmadaas

0
288

Buur-hakaba(INO)- Maamulka Degmada Buur Hakaba Ee Gobolaka Bay Ayaa Waxaa Uu Kawarbixiyey Isku Hor Imaad Kadhacay Meel Aan Ka Fugeen Degmadaasi.

Gudoomiye kuxigeenka Degmada Buurhakaba Axmed Shargaan Ayaa Idalenews.com Ugu Warbixiyey Qasaaraha Kadhashtay Iska Hor Imaankaan U Dhaxeyey Ciidamada Gaarka Ah Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Ay Garab Kahelayaan Ciidamada AMISOM Iyo Dagaalyahnada Al-shabaab.

Sidoo kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey Iney Lawaregeen Degaano Badan Oo Ay Hoos Imadaan Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Bay.

Dhanka Kale Waxaa Uu Sheegey Gudoomiye kuxigeenka Degamada BuurHakaba Inta Howlgalka Ay Wadeen In Dagaal Ay Kala Kulmeen Urarka Al Shabaab Dhimasho Iyo Dhaawacna Ay Jiraan Labada Dhinac Oo Halkaasi Kudagaalimey.

Ugu dambeyntii, Maalmihii Lasoo Dhaafey Ayaa Ciidamada Gaarka Ah Ee KGS  Kuwooda Ku Sugan Degmada BuurHakaba Ayaa Waxaa Ay Wadaan Howlgalo adag oo lagu Xaqiijinaayo amaanka Degmada Buur Iyo Degaanada ku hoost yimaada.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online,Buur-Hakaba

W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed Ateera}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here