Dhageyso:Maamulka Degmada Baraawe Oo Ka Qaylo Dhaamiyey Macluul Daran Oo Ka jirta Degmadaasi

0
183

Baraawe(INO)- Gudoomiyaha Degmada Baraawe ee Maamulka Gobolka Sh/Hoose Xuseen Maxamed Barre Jeex oo Wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku dhibaateysay degmada Baraawe.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Hooyo iyo Wiilkeeda ay u geeriyoodeen macluu daran oo soo wajahday iyo xaalad xumo oo dhanka noloshooda ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay Gudoomiyaha in xaalad aad u liidato ay ku nool yihiin shacabka ku nool degmada baraawe.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Baraawe ee Maamulka Gobolka Sh/Hoose Xuseen Maxamed Barre Jeex ayaa sheegay in deegaano kale oo ka tirsan Degmada Baraawe iyo kuwa ka ag dhaw ay ka jiraan xaalad nolo xumi isla markaana dadka ku nool ay dhibaateysan yihiin.

Idale News Online, Baraawe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here