Dhageyso:Maamulka degmada Baraawe oo baaq u diray DFS iyo Ganacsatada KG Soomaaliya

0
234

Baraawe(INO) Maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabellah hoose  ayaa sheegay in amniga guud ee degmadaasi uu yahay mid wanaagsan oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

baraawe

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabellah hoose ahna ku simaha Gudoomiyaha degmadaasi  Bashiir Maxamed Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa ka codsaday  dowladda Soomaaliya in wasaaradaha kala duwan ee xukuumaddu ay ka hawlgalaan degmada Baraawe.

Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inuu wax weyn iska bedelay amniga magaalada Baraawe ee gobolka Shabellaha hoose tan iyo markii ay la wareegeen ciidanka dowladda Soomaaliya,wuxuuna ku celceliyey in dadka deegaanku ay u baahan yihiin in  wasaaradaha dowladda Soomaaliya ay deegaanka ka shaqo bilaabaan.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha hoose ayaa dhanka kale baaq u diray ganacsatada Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday iney Maalgashi ku samaystaan degmada Baraawe.

Degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha hoose oo mar ahaan jirtay xudunta Al-shabaab  isla markaane fariisin u ahayd saraakiisha sar sare ee Al-shabaab ayaa waxaa hada gacanta ku haya dowladda Soomaaliya, degmada ayaa waxaa ka maqan adeegyadii bulshada intoodii badneed.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Baraawe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here