Dhageyso:Maamulka Bakool oo ka hadlay faa’idada ay leedahay booqashada Madaxweyne Shariif Xasan

0
213

Xudur(INO)-Maamulka Gobolka Bakool ayaa sheegay in booqashada uu Madaxweynaha Mamaulka ah ee Koofur Galbeed ku tagay degmooyinka Waajid iyo Qansax Dheere ay keeneyso in ay soo deg degto in Al-Shabaab laga saaro meelaha ay kaga harsan yihiin Goboladaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa sheegay in dhibaatada bini’aadanimo ee Gobolka kaliya looga bixi karo iyadoo Al Shabaab laga adkaado.

Tool,  ayaa u sheegay Warbaahinta  in hada ay ku guuleysteen in ay furaan Wadooyinka gala Magaalo Madaxda Xudur, hadana ay damacsan yihiin inay dhameystiraan inta dhiman.

Gudoomiyaha ayaa sheegay  in xaaladda bini’aadanimo ee ka jirto Bakool ay tahay wali midaan si wanaagsan looga jawaabin, dadkuna ay la nool yihiin Haraad, Gaajo iyo dhibaato Amaan.

Idale News Online, Xudur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here