Dhageyso:Maalinta Xurriyada Saxaafadda +56 Wariye oo lagu dilay Soomaaliya

0
223

Muqdisho(INO)-Qaramada Midoobay ayaa maanta oo kale 3 bisha May ee Sanad kasta u aqoonsatay Maalinta Xuriyada Saxaafadda Aduunka, si sare loogu qaado Xuriyada Hadalka loogana hortago xadgudub Warbaahinta kaga yimaado Dowladaha.

Som-Journo1

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay Wadamada xadgudubyada ugu badan loogu geysto Saxafiyiinta, kuwaasi oo ka mid ah Dil, Jirdil, Xabsi iyo cabsi galin ama hanjabaad.

Saddex maalin  ka hor ayaa lagu dilay Magalada Baydhabo Wariye Daa’uud Cali Cumar  oo ka shaqeynayay Radio Baydhabo, kaasi oo lala dilay Xaaskiisa.

Hay’adda CPJ ee ilaalinta Wariyayaasha ayaa diiwaan galisay in Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992-dii lagu dilay 56 Wariye oo ay ku jiraan Saxafiyiin Ajanabi ah oo la toogtay iyaga oo howlo shaqo u joogay Soomaaliya.

Gudoomiyaha Ururka saxafiyiinta Qaranka ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistaan oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in maanta oo kale ay qiimo weyn ugu fadhido Saxaafadda Soomaaliya oo uu sheegay in ay tahay inay xasuustaan dhibaatooyinkii loo geystay.

Maxamed Ibraahim Bakistaan ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay in dowladaha iyo dhamaan dhinacyada Soomaalida ay xaq dhowraan Saxafiga oo uu sheegay in waxa uu adeegayo ay tahay bulshada.

Halkan Ka Dhageyso.


Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here