Baydhabo(INO) Kulankani maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobalk Bay,waxaa isugu yimid qeybaha kala duwan bukshada ku dhaqan xaafada magaalada,ardeyda jaamacadaha Baydhabo wax ku barta,waxaana ay ku canbaareynayeen Kooxda la socodka cunaqabateynta hubka soomaaliya iyo Dalka Eleria.
Kulanka ayaa ka dhacay howl weyn oo ku yaala xaafada wadajir ee magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ,haweenka kulanka fadhiyey ee 8-xaafadood ee Baydhabo ka yimid ayaa waxay xirnaayeen dharka hidaha iyo dhaqanka soomaaliyed,waxaana mararka qaar ay ku qaylinayaan Kooxda Monitoring group tilaabo halaga qaado.
Dhamaan dadkii kasoo qeyb galey oo isugu jirey aqooyahano,dhalinyarada wax ka barata jaamacadaha Baydhabo iyo Haweenka qaar ka mid ah ayaa si isku mid ah u sheegay in Kooxda ay kasoo horjeedo danaha dalka iyo madaxda soomaalida.
Waxaa ay sheegeen in ganacsatada iyo madaxda dowlada lagu eedayo wax aan jirin taasna ay sheegeen in horumarka dalka soomaaliya dhibaato ay ku tahay,waxana ay ugu baaqey bulshada madaxweynaha dowlada soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud inuu wax ka qabto shaqadan hay,adan ay ka wado gudaha wadanka soomaaliya.
Ugu dambeuntii, Bulshada kulanka kasoo qeyb galey ayaa muujiyey iney wax sax ah aheyn warbixinada mararka qaar Kooxda la socodka Dalka Soomaaliya iyo Eleteria ay ka sheegta madaxda dalka iyo ganacsatada soomaaliyeed,iyagoona ka digey in shaqada Kooxda sidan ay kusii wado oo ay ku baaqeyn in shaqada dalka soomaaliya ka hayso laga joojiyo.
W/Q Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)