Dhageyso:Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Sheegday Iney Diyaariyeen Ciidamo Cusub Oo La Dagaalama Al-Shabaab

0
643

Baydhabo(INO)- Koofur galbeed Soomaaliya ayaa sheegday in ay diyaariyeen Ciidamo go’adoonka ka saara degmooyin ka tirsan gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Degmooyinkaasi ayaa waxaa Xanibay ururka Al-Shabaab oo jaray dhamaan wadooyinkii soo geli lahaa iyo kuwii ka bixi lahaa degmooyinkaasi ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool.

Wasiirka Wasaarada hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleesiyo beeleedka Ee Koofur galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo dheeraad ah oo tababaro fiican qaatay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay hubiyeen ciidamada duulaanka qaadaya isla markaana ay u dhameystiran yihiin agabkii ay ku dagaal geli lahaayeen.

Shalay ayay ahayd markii Ciidamo ka tirsan Koofur galbeed Soomaaliya ay la wareegeen degmooyin ka tirsan gobolka Bay, kuwaasi oo horay ay ugu sugnaan jireen Al-Shabaab.

Halkan Ka Dhageyso Codka

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.