Dhageyso:Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo La Wareegtay Deegaanka Yaaq Baraawe Ee Gobolka Bay

0
679

Yaqbarawe(INO)- Ciidamada Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa lagu waramayaa in ay la wareegeen deegaanka Yaaq Baraawe ee gobolka Bay.

Deegaanka Yaaq Baraawe ayaa waxa uu 30 KM ujiraa degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay.

Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la wareegay deegaanka Yaaq Baraawe kadib markii ay weerar ku qaadeen Dagaalyahano ka tirsanaa Shabaab oo ku sugnaa deegaankaasi.

Xasan Xuseen Maxamed Wasiirka Hubka dhigista iyo Dhaqan celinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan sidoo la doonayay in Shabaab looga saaro deegaanka Yaaq Baraawe iyo waliba deegaano kale oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Bay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in howlgalkan uu qeyb ka ahaa howlgallo maalmahan ka socday Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Arintan ayaa ku soo aadeysa xilli dhowaan uu weerar ka dhacay deegaan lagu magacaabo Wardiile oo ka tirsan gobolka Bay, waxaana ku geeryoodey ilaa iyo 14 Qof oo shacab ah.

Halkan Ka Dhageyso

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay