Muqdisho(INO)- Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay kordhinayaan Howlgalada ka dhanka ah ee Shabaab, kaas oo ka socda guud ahaa dalka gaar ahaan Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo waraabka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay kordhinayaan Dagaalada Shabaab lagula jiro, si looga saaro Degaanada ay ka joogaan Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxa uu Mas’uuliyiinta iyo shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay ka wada shaqeeyaan amniga, si loo adkeeyo amniga guud.
Maxamed Xasan Fiqi Ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo waraabka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Shabaab in ay weeraro geystaan waqtiga Doorashada, sidaasi darteedna ay ku dadaalayaan sidii amniga loo adkeyn lahaa.