Dhageyso:Koofur Galbeed oo la wareegtay Deegaanka Misre

0
454

Diinsoor{INO}Ciidamda Boliiska Gaarka ah ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa burburiyay Saldhig deegaanka Misre ee degmada Diinsoor ay ku lahaayeen Al-shabaab.
Sarkaal Katirsan ciidamada Boliiska Gaarka Ayaa Waxaa Uu Idalenews.com Uga Warbixiyey In ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Misre, islamarkaana ay la wareegeen saldhig ay Al-shabaab ka soo abaabuli jireen weerarada qorsheysan ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.Waxaana Uu Sheegey In Ay Dileen Tiro Katirsan Uraarka Al Shabab
Sidoo Kale Sarkalka ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay isku dayeen in ay iska caabiyaan ciidamada, balse ciidamada ay halkaasi ka saareen oo hada deegaanka Misre ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.
Booliska Gaarka ee dhawaan loo tababaray maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waday howlgalo ay Al-shabaab kala wareegayaan deeganada uu ka taliyo maamulkaasi.

W/Q;Wariye Siidcali Muuse Maxamed {Ateera}