Dhageyso:Khudbadii Wasiirka Haweenka Ee KGS Iyo Tix Gobey Ah Oo Gil -gilisey Laabta Dadkii Dhageysanayey Oo Halkaasi laga Qaadey

0
259

Baydhabo(INO)-Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay  ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa looga dabaal degay Munaasabadda 1-da Luuliyo oo ah markii ay xuroobeen gobalada Koonfureed ee Soomaaliya islamarkaana ay midoobeen gobalada Waqooyi iyo Koonfur Soomaaliya.

faadumo cumar

Munaasabadaan waxaa ka qeybalay  Mas’uuliyiinta Dowladda KGS oo Ugu horeeyo Madaxweyne Shariif Xasan,Wasiirka Wasaaradda Haweenka KGS, Faadum Cumar, siyaasiyiin odayaasha Dhaqanka, shacab aad u badan iyo fanaaniin halkaasi ku qaaday heesho ka tarjumaya maalintaan qiimaha badan.

Munaasabadda waxaa Lagu soo Bandhigey Tix Gaboy ah taas oo Gilgilisey Laabta Dadkii Dhageysanayey,Wasiirka Haweenka ee KG Soomaaliya oo halkaasi Khudbada ka jeedisey ayaa ka hadashey Muhiimada Midnimada iyo ilaalinta Xaquuqda Haweenka KGS.

Waxayna  sheegeytey  Guud ahaan In Haweenka Soomaaliyeed har iyo Habeenba ay soo jeedaan isla markaana waxay Intaa ku dartey in la ilaaliyo Xuquuqdooda.

Wasiirka Haweenka iyo u doodista xuquuqda Insaanka Ee KG Soomaaliya Marwo Faadumo Cumar  ayaa  sheegtey  in la difaaco danaha bulashadda Nugul Sida Haweenka iyo sidii bulshada ay ugu wacyigelin lahaa inay dadkaasi ay helaan xuquuqdooda iyo daryeel koodaba oo dhameystiran.

Ugu dambeyntii, wasiirka Haweenka KGS ayaa shacabka ugu baaqdey in la garab istaago ciidamadda DFS iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee soomaaliya Ee AMISOM,waxayna Xogaga Al-shaab ee Soomaaliya ku Eedaysay in Dhibaato weyn ay ku haayaan Haweenka Soomaaliyeed.

Halkan Dhageyso Khudbaddii Wasiirka Haweenka KGS

Idale News Online Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here