Dhageyso:Khilaaf hor leh oo soo kala dhex galay Maamullada Galmudug iyo Puntland

0
418

Gaalkacyo ( INO)-Xilli Dhawaan Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ay ku eedeeyeen maamulka kale ee Galmudug in Qaraxyada iyo dilalka ka dhaca deegaanada Puntland laga soo abaabulo Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee ay maamulaan Galmudug ayaa duqa Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug Xirsi Cabdi Barre waxa uu sheegay in  Puntland ay ku fashilantay Sugida Amniga deegaanadeeda.

Duqa Magaalada Gaalkacyo Xirsi Cabdi Barre ee Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale tilmaamay in eedeymaha kaga imaanaya Puntland aan cadeymo rasmi ah loo heynin.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Guluf kale ee ka aloosma deegaanada Mudug aysan dan ugu jirin labada dhinac sida uu hadalka u dhigay.

Eedeymaha iyo Jawaab celinta maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa laga digayaa in ay abuurto colaad kale oo ka abuuranta deegaanadaas.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay