Nairobi(INO) Dowladda Kenya ayaa shaaca qaaday in hadii la xiro xeryaha qaxootiga dalka Kenya uu dib u soo laaban doono dalxiiskii loo imaan jiray dalka Kenya.
Kenya waxa ay sheegay in dagaalyahanada Shabaab ay marar badan weeraro kasoo qaadeen xeryaha qaxootiga Kaakuma iyo Dhadhaab ee dalka Kenya ,islamarkaana dalxiisayaal badan ay ka carareen dalka Kenya.
Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda dalxiiska dowladda kenya ayaa sheegay in weerarada Shabaab ay kasoo abaabulaan dalka Soomaaliya iyo sidoo kale xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ay sababeen in dalxiisayaal badan oo kasoo jeeda wadamada Yurub iyo China ay iska carareen dalka Kenya,islamarkaana dalxiisayaashii imaan jiray dalka Kenya ay si aad ah hoos ugu dhaceen ,laakiin uu aaminsanyahay hadii la xiro xeryaha qaxootiga dalka kenya in uu dib usoo laaban doono dalxiiskii loo tagi jiray dalka Kenya.
Qaar ka mid ah dowladdaha caalamka ayaa horay u hakiyey in muwaadiniintooda ay u safraan dalka Kenya ka dib markii Shabaab ay weeraro badan ay ka geysteen dalka Kenya ayna digniin u direen dalxiisayaasha ku sugan dalka Kenya.
Dhaqaalaha Kenya oo ku tiirsanaa Dalxiiska ayaa heerkii ugu xumaa taagan hadda, kadib markii ay xirmeen Hoteeladii ku yaallay Deegaanada iyo Degmooyinka Xeebta ku yaalla, waxaaa Shaqo la’aan noqday Kumaan Shaqaale ah oo dalka Kenya u dhashay.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Nairobi