Nairobi(INO)- Xukuumadda Nairobi, ayaa waxay si xoogan kaga digtay in barraha bulshada lagu baahiyo sawirada meydadka iyo dhaawacyada Ciidanka Militariga Kenya, ee Jimcihii lagu laayay weerarkii ka dhacay Degmada Ceelcadde Ee Gobolka Gedo.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Mombasa, ayaa shacabka ugu yeeray inay u hogaansamaan awaamiirta ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Wasiirka, ayaa waxaa uu dhammaan shacabka reer Kenya uu kaga digay inay barraha bulshada u adeegsadaan sawiradaasi, haddii kalana ay u aqoonsan doonaan kuwo argagaxiso kalkaal ah, sida uu yiri.
Wasiirka, ayaa sidoo kale bulshada ugu yeeray inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka Kenya, si hal daraf looga wada noqdo Ururka Al Shabaab, maadaama sida uu sheegay ay u soo qalab qaateen burburinta Qaranka Kenya.
Wasiir Nkaissery waxaa uu ku cago jugleeyay inay dagaal adag la geli doonaan Shabaabka hubeysan ee Somaliya ka dagaalamaaya, balse sheegtay inay dagaalkii u weeciyeen dhanka Kenya.
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa wuxuu ku cago jugleeyay in la xisaabtan uu ka dambeen doono daadinta dhiigga Ciidanka Militariga Kenya, isla-markaana aanu dhiigoodu noqon doonin mid la’isaga haro, sida uu yiri.
Mr. Kenyatta, ayaa ku hanjabay inay raadin doonaan cid kastaa oo ku lug leh weerarkaasi, isla-markaana ay ciqaabi doonaan, marka ay gacanta ku soo dhigaan, sida uu yiri.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Nairobi