Cairo(INO)- Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al Carabi ayaa ku dhawaaqay in ay taageero dheeraad ah siin doonaan dawladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo hada martigalinaya Kumanaan Qaxooti ah oo ka soo cararay dagaalada iyo rabshadaha ka jira dalka Yemen.
Xoghayaha guud ayaa sheegay in ay caawin doonaan dawladda Puntland iyo Yemen oo uu sheegay in ay gaareen Qaxooti badan, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay hay’adaha caalamiga ee Aduunku in ay dadkaas ufidiyaan gacan bini aadamnimo.
Mr, Nabiil ayaa ku amaanay Soomaaliya iyo Jabuuti doorka soo dhaweynta ee ay sameyeen labadaas dawladood, wuxuuna sheegay in ay bulshada Carbeed gacan walaalnimo oo deg deg ah gaarsiin doonaan dadkan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Cairo